Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga oo Matabaan Kusoo Bandhig Hub Al-shabaab Laga Furtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii tagay howlagallo ka dhan Al-shabaab ka waday gobolka Hiiraan ayaa maanta kusoo bandhigay Hub degmada Matamaan, kasoo ay sheegeen in ay ka furteen Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha.

Hubka waxaa qeyb ka ah kuwa culus, kaas oo ciidanku ay ku furteen deegaan  Bukure, oo hoos taga degmada Maxaas, kadib howlgal qorsheysan oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha gobolka ay ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeed deegaankaasi.

Deegaanka Bukure ayaa waxaa shalay ku dagaalamay ciidanka xoogga iyo Al-shabaab, waxaana saraakiishii hogaaminaysay ay sheegeen in ay guulo ka gaareen dagaalkii dhacay, dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanku ay weerareen deegaankaas.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this