Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha xukuumadda cusub: Lix qodob oo u baahan in la dul istaago.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabistii xukuumadii shalay waxaa ka xoog badiyey magaca Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur mid kamid ah aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab ayaa wasiir ka noqday xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Maxbuusnimo dhowr sano ah kadib Mukhtaar Roobow Maanta waa wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Xukuumad ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen, 24 wasiiru dowle iyo ra’isulwasaare ku xigeen ayuu shalay faafiyey ra’isulwasaare Xamze Cabdi Barre.

Xukuumadda cusub ayaa markii ra’isulwasaare ku xigeenka lagu daro ka dhigan 76 xubnood ayaa kusoo beegmatay marxalad adag oo xasaasi u ah Soomaaliya.

Dhowr arrimood ayaa u baahan in la dul istaago marka laga hadlayo xukuumadaan:

  1. Qaab dhismeedka

Iyadoo madaxweyne Xasan Shiikh xafiiska yimid xilli uu dalka aad u kala fogaaday ayaa waxaa la filayey inuu xukuumadda talo iyo xubno ka siin doono mucaaradka ay labada sano wada fadhiyeen Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, laakiin xiriir aan la sameynay xubnihii mucaaradka oo ay Xasan Shiikh wada halgameen waxay sheegeen inaan wax talo ah laga siin dhismaha xukuumadda cusub.

Inkastoo ay jiraan dhowr qof oo musharixiinta qaar ololaha kala shaqeeyey oo Shalay xilal helay haddana hoggaamiyaasha mucaaradka waxay nala wadaageen inaan wax talo ah la siin.

  1. Madaxweynaha iyo kooxdiisa

Kooxda madaxweyne Xasan Shiikh ayaa heshay inta ugu badan iyo intii ugu muhiimsaneyd xukuumadda. Wasaaradaha maaliyadda, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, waxbarashada, cadaaladda, kalluumeysiga, amniga gudaha, qorsheynta, batroolka iyo madaxtooyada ayaa dhammaan maray dhanka kooxda madaxweynaha.

Xubnaha kalana waxaa Lagu sheegay qaar ay saaxiibada madaxweynaha soo jeediyeen. Tani waxay koobtay sida ay dad badan qabaan in xukuumadda hesho soo dhaweyn buuran.

  1. Madaxda maamul Goboleedyada

Madaxda maamulada Soomaaliya oo mar walba gacan fiican ku lahaan jiray dhismaha xukuumadaha heer federaal ayaa kalkaan laga dul booday.

Madaxda Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa la xaqiijiyey inaan wax talo ah laga siin dhismaha xukuumadda cusub.

  1. Isbadalka wasaaradaha

Dhismaha xukuumadda cusub ayaa lumisay laba wasaaradood oo horey u jira, mid waa wasaaradii gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, wasaaradaan waa la tiray waxay kusoo aadeysaa iyada oo uu dhawaan madaxweynaha magacaabay ergeyga gaarka ah ee abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Waxaa la filayaa in mustaqbalka loo badalo hey’ad gargaarka ka shaqeysa

Sidoo kale, wasaaradii dastuurka oo gaar u taagneyd ayaa la tirtiray iyadoo lagu taray wasaaradda cadaaladda. Waxaa kaloo la abuuray wasaarad deegaanka iyo isbadalka cimilada ka shaqeysa.

  1. Tirada Xukuumadda

Xukuumadda cusub ee ra’isulwasaare Xamza Cabdi Barre waxaa la badiyey wasisrul dowlayaasha oo markii hore aad u koobnaan jiray.

Waa mid kamid ah xukuumadihii ugu xubnaha badnaa dhowrkii dowladood ee ugu dambeysay ee soo marta Soomaaliya.

  1. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

In sarkaalkaan horey uga tirsanaan jiray hoggaanka sare ee kooxda Al-Shabaab isagoo maxbuus ah wasiir loo magacaabo ayaa falanqeeyaashu waxay leeyihiin waxaa looga dhex jeedaa faa’ido iyo fudeed is barkan.

Dadka qaar ayaa qaba inay wax wanaagsan aheyd in Roobow lagu soo daray xukuumadda halka qaarna ay qabaan in marka hore ay muhiim aheyd in lasoo marsiiyo dariiq laga dhex arki karo inuu fikirkii Al-Shabaabnimada ka doortay dowlad diqoqraadi ah.

The post Dhismaha xukuumadda cusub: Lix qodob oo u baahan in la dul istaago. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this