Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadda Oo La Sheegay Inay Burco Kala Qaybin Ka Bilawday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Muuse Biixi Oo Xasarad Ay Ku Qaybinayso Beelaha Togdheer Wada-dega  U Waariday Burco.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa burburkii ku yimi heshiiski Jeeganta ee ay Xukunka kutimi kadib waxay u biyaysatay sidii ay xasarad u kala dhex dhigi lahayd beelaha wada dega Gobolka Togdheer. Wasiirada Xanaanada Xoolaha Siciid  Sulub Maxamed, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) ayaa fuliyayaal ka ah mashruuca xasaradaynta Burco.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed oo isagu ah abaanduulaha qorshahan dhagaraysan ayaa wuxuu magaalada Burco kula shiray xubno uu hoggaaminayo  Badhadaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Jaamac (Xoday) isagoo ku wargaliyay inuu Galbeedka Burco ka dhisaayo kawaanka gawraca Xoolaha oo ay gaar u yeelan doonaan  degaanka Galbeedka Burco, iyadoo kawaanka xooluhu hore ugu yaalay magaaladda kaas oo ku filnaa dhamaan Dadka degaan Burco.

Sidoo kale waxa  nidaam an sharci ahayn awoodi wakaalada Biyaha iyo biyo galinta magaalada  loo hoosgeeyay Ganacsade Saleebaan Kulul oo kamid ah ganacsatada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku xidhan.

Talaabooyinkan ayay Xukuumadda Muuse Biixi uga danleedahay inay kala shaki iyo naxli dhex dhigto shacabka Rer Burco, iyadoo kaga gal galanaysa dareenka mucaaridnimo ee Beesha bariga Burco sida wayn u muujisay muddooyinkii u danbeeyay.

wariye Abdirisak Goud

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this