Sign in to follow this  
Deeq A.

Holland: Haweeney Soomaali Ah Oo Lacago U Diri Jirtay Alshabaab Oo Lagu Xukumay 3 Sanno Oo Xabsi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Amsterdam)-Haweeney Soomaali ah, oo haysata dhalashadsa Holland ayaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday kooxda Al-Shabaab.

Xukunka lagu riday Farhia Hassan, oo 38-jir ah, ayaa aad uga yar 8-dii sanno oo ay dalbadeen dacwad oogayaasha.

Horraantii sannadkan ayay xeerbeegti ka tirsan maxkamadda degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ku xukuntay in ay maleegaysay in ay taageero maadi ah siiso Alshabaab.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ka mid ahayd ilaa 15 haween ah oo si joogta ah lacago yar udiri jiray si ay u taageeraan Al-Shabaab.

Isku soo wada duuboo, dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay ku deeqday ilaa $300 muddo saddex sanno ah.

Haweeneydan, oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay Nederland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen. 

Markii hore waxa ay ka dagaalantay in loo diro xabsi  7 sanno ah, ka hor inta aan la keenin Mareykanka si ay u waajahdo maxkamad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this