Sign in to follow this  
Deeq A.

Miyuu Wasiir Fiqi ka soo bixi doonaa shaqada sugaysa?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16594666681014525.jpg?resize=554%Fiqi wuxuu sheegay inuu fashiliyay shirqoollo lagu khaarijin lahaa siyaasiyiin Kenya u dhashay.

Muqdisho (Wararka PP) — Axmed Macallin Fiqi oo loo magacaabay Wasiirka Arrimmaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta waa siyaasi toban sano ka hor ahaa Taliyaha Nabadsugguda Soomaaliya.

Toban sano kaddib markuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka ka qaaday Fiqi wuxuu maanta u magacaabay xil sare ka sokow colaad siyaasadeed oo labadooda dhexmartay. Fiqi markii xilka laga qaaday wuxuu degay Nayroobi halkaas oo ugu xog-warramay sirdoonka Kenya. Wuxuu u sheegay inuu fashiliyay shirqoollo lagu dili lahaa siyaasiyiin waaweyn oo Kenya u dhashay. Wuxuu sidoo kale dhaliilay ciidammada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo aan karti u lahayn hawlaha horyaalla.

IMG-20220802-WA0009.jpg?resize=265%2C164Sirdoonka Kenya oo uga mahadceliyay Fiqi iskaashi kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday isaga 2012kii.

Intii ay socotay doorashadii 2017kii wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii ka ololeeyay Xasan Sheekh oo ay isku mabda’ noqdeen muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Fiqi wuxuu soo noqday Wasiirka ka tirsan maamulka Galmudug laakiin wuxuu ka soo horjeestay Madaxweyne Qoorqoor. Wuxuu iska casilay xilkii uu hayay si uu ugu biiro siyaasiyiintii abaabushay ciidankii Badbaado Qaran.

IMG-20220802-WA0008.jpg?resize=349%2C268Fiqi wuxuu 2013kii Nayroobi kaga noolaa guri aan la aqoon meesha uu ku yaalla si bedqabkiisa loo dhowro.

Fiqi waxaa lagu eedeeyey inuu sir qaran la wadaagay Kenya. Sida uu uga hortagayo in taariikhdiisa hawlwadeennimo aysan majaxaabinin hawlaha horyaalla waa su’aal jawaabteedu soo bixi doonto.

© Puntland Post, 2022

The post Miyuu Wasiir Fiqi ka soo bixi doonaa shaqada sugaysa? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this