Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray wasiiradii la magacaabay – Muxuu faray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan soo dhaweyn ah la qaatay xubnaha magacaaban ee golaha wasiirrada ito Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn xukuumadda cusub ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay, wuxuuna ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Xamse, la-tashiyadii uu sameeyey ka hor magacaabidda xubnahaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku amaanay dadaalkii uu ku bixiyey dhismaha xukuumad tayo leh oo hanan karta himilada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladooda iyo “fulinta hiigsiga ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad si daacad leh ugu adeegtaan, in aad ka shaqeysaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ay la tacaalayaan, taasna waxaa aasaas u ah in aad idinku masuuliyad iyo wadajir ku shaqeysaan oo maanka ku haysaan dhaarta iyo masuuliyadda,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in ay xoogga saarto xaqiijinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, horumarinta dowladnimada iyo kaabeyaasha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ansixiyaan Xukuumadda, si ay degdeg u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, waxa uuna Alle uga baryey in uu waafajiyo wixii dan u ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

297209211_439957321508746_84367358635817 297212245_439957791508699_51013528351594 297233939_439957978175347_52730930729102 297258816_439958081508670_83010107415174 297265385_439957354842076_42141414072809 297281799_439958264841985_39791009939646 297293419_439957491508729_32125432998910 297433757_439957341508744_44507441917086 297436140_439957838175361_57025432972332 297440532_439957568175388_76836892436006 297552397_439957494842062_43902811708965 cabsirisaaq-cumar-Maxamed.jpg?resize=696 cadaala-iyo-xasan.jpg?resize=696%2C564&s wasiirada.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 wasiirrada-iyo-xasan.jpg?resize=696%2C45 wasiirrada.jpg?resize=696%2C432&ssl=1 Xamza-Xamse-barre.jpg?resize=696%2C461&s xasan-iyo-xamse.jpg?resize=696%2C464&ssl xasan-Mukhtaar-Xamza-iyo-Eelaay.jpg?resi Xasan-Sheekh.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Xasan-Sheekh.jpg1_.jpg?resize=696%2C540&

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray wasiiradii la magacaabay – Muxuu faray? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this