Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada cusub ee uu magacaabay Xamza

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid.

Liiska Golaha ee uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ah kuwo aad looga soo shaqeeyay oo ku yimid wada-ogol dhinacyo badan ah, islamarkaana waqti badan ay galiyeen madaxda sare.

Haddaba, hoos ka aqriso magacyada xubnaha la magacaabay iyo qabiiladooda:

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/West Burco Clan.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta – Waxa uu kasoo jeedaa Digil iyo Mirifle/Leesaan
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan/Murusade/Sabti
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan/Habargidir/Sacad
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Awdal Clan.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga, wuxuu kasoo jeedaa Mirifle/ Jiroon
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga – Waxa uu kasoo jeedaa Majeerteen/Ciise Maxamuud
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Waxa uu kasoo jeedaa Reer Aw-Xasan.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan/Baadicadde.
10- Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, waxaa uu kasoo jeedaa Beesha Daarood / East Sanaag Clan.
11- Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Leelkase
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhulbahnte
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha, wuxuu kasoo jeexa Mirifle/ Eelay.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/East Burco Clan.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Yaxar
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan/Xawaadle.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha –  – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Mareexaan.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, wuxuu kasoo jeeda  Digil/Dabare
20- Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Mogadishu Clan/Gaaljecel.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Dir
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta – – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Shanaad/Jareer
23- Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Isaaq/West Burco Clan.
24- Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, wuxuu kasoo jeeda beesha shanaad/ Biyamaal.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka, wuxuu kasoo jeed Beesha Shanaad/ AjuuraaN Dhallinyarada iyo Ciyaraaha, wuxuu kasoo jeedaa Beesha Shanaad/ Ajuuraan
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda, waxay kasoo jeedaa Beesha Shanaad/ Reer Xamar.

The post Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan wasiirada cusub ee uu magacaabay Xamza appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this