Sign in to follow this  
Deeq A.

Liiska Golaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Galabta magacaabay Golaha Xukuumaddiisa cusub.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa ku jira Mukhtaar Roobow, oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana muddo ka badan saddex sano iyo bar u xirnaa dowladda federaalka, tan iyo bishii December 2018.

Wasiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah; Senator Saalax Axmed Jaamac oo loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, halka Maxamuud Doodishe loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.

Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa loo magacaabay Axmed Macallin Fiqi, halka Gaashnaadhigga dib loogu magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Faarax Cabdulqaadir ayaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, halka Abshir Cumar Huruuse loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibedda. Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa isna loo magacaabay wasiirka qorsheynta.

Hoos ka daawo Muuqaalka shaacinta Wasiirada

PUNTLAND POST

The post Liiska Golaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this