Deeq A. Posted August 2, 2022 Ciidanka xoogga dalka qeybtooda 60-aad ee kusugan deegaannada maamul goboleedka Soomaaliya ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay xibin ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana magaciisa lagu sheegay Ibraahim Macallin Yuusuf oo muddo ku jiray. Ibraahim wuxuu Sheegey in sababta ku kalliftey in Al-shabab uu isaga soo baxo ay tahay dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, dhaca xoolaha joogatada ah ee xoola dhaqata, siduu u sheegay warbaahinta qaranka. Ibraahim ayaa sheegay inuu Al-shabaab ka tirsanaa muddo Sagaal bil ah, tababarna uu kusoo qaatay xarun ay Al-shabaab ku leedahay Gobolka Gedo, isagoo ka mahad celiyay sidii ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed usoo dhaweeyeen Baydhabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites