Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuwo cusub oo lasoo kordhiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqaya golihiisa wasiirada cusub ee muddada la sugayey, waxaana ka muuqdo isbeddelo cusub. 

Sida ay xog horudhac ah ku heshay Caasimada Online, Golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore ay aheyd 26 wasiir, waxaana la babai’iyey laba wasaarad. 

Wasaaradaha la baabi’yey waxaa ka mid ah; wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Labadan wasaarad ee meesha laga saaray ayaa tirada wasaaradaha ka dhigi lahaa 24, balse waxaa lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, ayada oo ujeedku yahay in la badbaadiyo deegaanka oo la rumeysan yahay in xaalufintiisa uu qeyb ka yahay abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. 

Sidoo kale, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa magaca laga beddelay waxayna noqneysaa wasaaradda awqaafta, arrimaha diinta iyo la-dagaalanka argagixisada, waxaana la filayaa in loo magacaabo Mukhtaar Roobow. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay inuu Al-Shabaab la galayo dagaal dhanka fikirka ah, isaga oo sheegay inaan ciidan ahaan kaliya looga adkaan karin. 

Dhinac kale, waxaa hadda shir uga socdaa Villa Somalia Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada. 

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda u ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow.

The post Xog: Tirada golaha wasiirada, wasaarado la baabi’iyey iyo kuwo cusub oo lasoo kordhiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this