Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Roobow ma ku jiraa liiska golaha wasiirada cusub?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya macluumaadka iyo xogaha laga helayo magacaabista golaha wasiirada Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo aadan uu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Xamza oo haata soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu waday.

Wararka ayaa sheegaya in haatan  xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray wasiirada magacaaban ee lagu wado in lagu dhowaaqo, si ay goobjoog u noqdaan magacaabistooda.

Haddaba Roobow ma ku jiraa liiska golaha wasiirada la magacaabayo?

Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya xogaha iyo wararka sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo muddo u xiran dowladda Soomaaliya uu ku jiro liiska xubnaha golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu shaaciyo ra’iisul wasaaraha.

Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay si weyn uga qayb-qaateen xildhibaanno ku dhow dhow guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaalua, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Qoraal uu Macallimuu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xoojiyey xogta la xiriirta magacaabista Roobow  wuxuuna yiri “Xabsi ilaa wasiir. Ku soo dhawoow naadiga,”.

Sheekh Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweysay ayaa ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse isaga oo musharrax ahaa laga soo xiray Baydhabo.

Sikastaba, golaha wasiirada la filayo in lagu dhowaaqo ayaa ka kooban 25 Wasiir, halka xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir, ayadoo la baabi’iyey wasaaraddii gargaarka, halka wasaaradda dastuurka oo gooni u taagneyd lagu daray wasaaradda cadaaladda, waxaa sidoo kale golaha lagu soo kordhiyey wasaarad lagu magacaabo bay’ada & isbedelka cimilada.

The post XOG: Roobow ma ku jiraa liiska golaha wasiirada cusub? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this