Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee u dhacay dilka hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imanaya waddanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqayn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.

 Al-Zawahiri ayaa xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyihii al-Qaacida Ayman al-Zawahiri lagu dilay duqayn ay ka fuliyeen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay hoggaamiyaha al-Qaacida in uu noqonayo tallaabadii ugu cuslayd ee ururkaas laga qaado, tan iyo wixii ka dambeeyey dilkii hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida, Osama bin Laden.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoggaamiyaha al-Qaacida lagu dilay guri uu lahaa kaaliye sare oo ururka Taliban ka tirsan oo lagu magcaabo Sirajuddin Haqqani.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in qorshaynta hawlgalkan ay soo bilaabatay lix bilood ka hor, balse waxay sii xoogaysatay labadii bilood ee u dambeeyay.

Ururka al-Qaacida ayaa hadda dhankooda xaqiijiyay dhimashada hoggaamiyahoodii, Ayman Al Zawahiri, waxyar ka dib markii CIA-da Marekanka ay sheegeen inay duqeyn ku dileen.

PUNTLAND POST

The post Sidee u dhacay dilka hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this