Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley hubaysan oo dhaawacay Taliyaha saldhiga bartamaha magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaha-dhaawacan.jpg?resize=802%2C638&

Koox hubaysan oo ku eedaysan in ay ku lug-leeyihiin maandooriyaha Khamriga ayaa xalay dhaawacay Taliyaha saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Mahad Axmed Maxamuud (Gabso) sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.

Kooxdaas ayaa Taliyaha dhaawacay xilli uu ku jiray hawlgal ka dhan ah maandooriyaha Khamriga kaas oo ka socday xaafadaha magaalada Garoowe.

Dhaawaca Taliyaha ayaa markiiba isbitaal loola cararay halkaas oo lagu dabiibayo Xaaladdiisa Caafimaad sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Garoowe.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weli aan gacanta lagu dhigin kooxdii Taliyaha dhaawacday balse lagu raad-joogo.

PUNTLAND POST

The post Dabley hubaysan oo dhaawacay Taliyaha saldhiga bartamaha magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this