Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kabul)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka circa ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacidda, Ayman Al-Zawaahiri.

Madaxweyne Biden wuxuu sheegay in Ayman Al-Zawaahiri uu ahaa ku xigeenka Cusama Bin Laden isla markaana uu aad ugu lug lahaa weerarkii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday gudaha dalka Mareykanka, weerarkaa oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Waxa uu sheegay in dilka Al-Zawaahiri uu soo afjarayo xanuunkii hayay qoysaska dadkii waxyeellada ay ka soo gaadhay weerarkaasi.

Biden wuxuu sheegay in Al-Zawaahiri caddaaladda la mariyay, sidaa awgeedna uu Meesha ka baxay hoggaamiyahaasi Al-Qaacidda.

Waxa uu intaasi ku daray in dalka Afqaanistaan aanu mar dambe noqon doonin meel ay argagixisadu gabbaad ka dhigato.

Saacado ka hor inta madaxweyne Biden aanu warkan shaacin ayaa afhayeen u hadlay ururka Taalibaan Zabihullah Mujahid, waxa uu sheegay in Mareykanku uu duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay gudaha magaalada Kaabuul balse marnaba ma soo hadal qaadin dilka Ayman Al-Zawaahiri.

Saaraakiil sar-sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in ay sheegeen in xubnaha ururka Taalibaan ay ogaayeen joogitaanka Al-Zawaahiri ee magaalada Kaabuul, arrintaasina ay tahay mid lid ku ah heshiiskii dhexmaray Mareykanka iyo ururka Taalibaan ka hor inta ayna Afqaanistaan ka bixin ciidamada Mareykanka, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this