Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo goordhow lagu dhawaaqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada, xili ay mudo yar uga harsan tahay waqtigii Golaha Shacabka ay u siiyeen in uu kusoo magacaabo.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadda waxaa kusii qul-qulaya bahda warbaahinta, ayada oo ay socoto qaban-qaabadii u dambeysay ee munaasibada la filayo in looga dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn isha uga haya liiska la shaacinayo, ayada oo la filayo inay kasoo dhex muuqan doonaan Golaha Wasiirada siyaasiyiin qaarkood aan xildhibaano aheyn.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo soo geba-geboobeen wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo afmeeray kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka, ayada oo liiska goordhow lagu dhawaaqi doono.

Isha ku hay Caasimada Online

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo goordhow lagu dhawaaqayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this