Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Yurub Ee Aqbalay Baasaboor Soomaaliga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Norway)-Baasaboorka Soomaaliya ayaa sannadihii lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowldii millatariga ahayd ee 1991-kii.

Inkastoo uu meel hoose kaga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada haddana waxaa muuqata in uu sannadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay’adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaaliya waxaa ka mid ah in waddamada Yurub qaarkood ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer kaddib.

Norway

Tan iyo badhtamihii sannadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda.

Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda[Visa] haddii uu shuruudaha kasoo baxo.

“Wadashaqayn dhow oo ay yeesheen mas’uuliyiinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awgeed, Norway waxay aqoonsan doontaa Baasaboorka Soomaaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka diplomatic-ga iyo service-ka iyo baasaboorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal markaas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxa ay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay visa u oggolaadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka.

Taas baddalkeeda waxa ay soo raaciyaan warqad caddaynaysa in visa-ha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.

Sweden

Hase yeeshee dowladda Swden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noociisu yahay diblomatic-ga.

Tan iyo bishii January ee sannadkii 2020-kii, Sweden waxa ay aqoonsanayd baasaboorka diplomatic-ga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay.

Balse dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.

Waddamada Latin America ee Visa la’aan lagu tagi karo

Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu tagi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama Visa ah loo qaadanin.

Dalalkaas ayaa kala ah:

Bolivia(oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka dago la siinayo visa-da)

Dominica

Haiti

St. Vincent and the Grenadines

Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Waxaa ka mid ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific.

Waxa uu xidhiidh siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isku tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda kaga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this