Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo lagu dilay AFGOOYE

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysnaa oo ay maanta koox hubeysan ka geysatay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Allaha u naxariistee Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo ka mid ahaa waxgaradka ku dhaqan gudaha degmadasi.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay isaga baxsadeen goobta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dilka ayaa ka dhacay agagaarka saldhigga Booliska degmad Afgooye oo uu ag daganaa marxuumka, waxaana xilliga la dilayey uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in ragga dilka fuliyey ay wateen mooto, kadibna ay rasaas ku fureen Nabadoonka oo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxayna saameeyeen baaritaano kooban, balse ma jiro faahfaahin ay ka bixiyeen falkaas.

Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

The post Nabadoon Aadan Abshir Maadey oo lagu dilay AFGOOYE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this