Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo Baarlamanka u ballan-qaaday in uu mar kale magacaabayo maxkamadda sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Siciid  Deni ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddi uu Baarlamanka Puntland u xil-saaray arrinta maxkamadda sare oo xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay madaxtooyada iyo Baarlamanka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in madaxweyne Siciid Deni uu guddigaas u caddeeyay in uu mar kale magacaabayo maxkamadda sare kadib markii Baarlamanku diiday ansixinta xubnihii hore ee maxkamadda.

Guddiga ayaa laga soo xigtay in madaxweynuhu u ballan-qaaday in uu maalmaha soo socda magacaabayo xubnaha maxkamadda sare waxaana la filayaa in uu qaar soo celiyo xubnihii hore ee Baarlamanku diiday.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa sida wararku sheegayaan qaar keensaday xubnaha la magacaabayo ee maxkamadda sare islamarkaana cadaadis ku saaray madaxweynaha arrintaas.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo Baarlamanka u ballan-qaaday in uu mar kale magacaabayo maxkamadda sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this