Sign in to follow this  
Deeq A.

Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 80 xubnood + Magacyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa ugu dambeyn magacaabay golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee maamulkiisa uu yeesho tan iyo markii xilkaas uu qabtay.

Cali Guudlaawe ayaa laga sugayey golaha wasiirada muddo laba sano ku dhow oo uu xilka hayo, ayada oo maamulkiisa inta badan uu muddadaas dhexda uga jiray xiisad siyaasadeed.

Golaha wasiirada HirShabeelle oo la shaaciyey saqdii dhexe ee xalay ayaa guud ahaan ka kooban 80 wasiir, wasiir ku-xigeen iyo wasiiru dowlayalaa. Waa 27 Wasiir, 26 wasiiru-dowle iyo 27 wasiir ku-xigeen. 

HirShabeelle ayaa noqotay maamulka ugu badan tirada wasiirada oo xitaa la filayo inay ka sare marto xukuumadda federaalka, waana maamulkii ugu horeeyay ee wasaarad kasta u sameeya wasiiru-dowle.

Hoos ka aqriso magacyada
296172076_432860802218463_31924745606068 295805950_432860898885120_42910410181747 296685814_432860842218459_41597169361998 296070069_432860798885130_63219173822730 295840933_432860825551794_28766677908912 296168684_432860892218454_77400594389883

The post Guudlaawe oo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 80 xubnood + Magacyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this