Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo Sannadkan qaaraan ururin u beddeshay Xuska 1-da Agoosto

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar soo baxaya ayaa sheegaya, in xukuumadda Puntland ay munaasabadda Xuska 1-da Agoosto u beddeshay qaaraan-ururin lagu caawinayo dadka abaartu saamaysay.

Munaasabad kooban ayaa lagu wadaa in habeen danbe lagu qabto xarunta madaxtooyada Garoowe, taas oo lagu ururinayo dhaqaale qayb ka ah gurmadka abaaraha.

Sidoo kale, munaasabadda laguma casumin cid ka baxsan Puntland, iyadoo wararka qaar tilmaamayaan in la joojiyay heesihii lagu soo bandhigi jiray xuska.

Xuska 1-da Agoosto ayaa sannadkan ku soo beegnay xilli abaaro daran ka jiraan degaannada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo Sannadkan qaaraan ururin u beddeshay Xuska 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this