Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo mar kale daah-furtay wadooyin la dayactiray

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16592761717153566.jpg?resize=720%

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay dayactir lagu sameeyay qeybo ka mid ah laamiga isku xira Garowe iyo Boosaaso.

Wadada Sin-ujiif oo ah halka la daah-furay ayaa la dayactiray 37 biyo mareen iyo 9km oo laami ah, oo ay burburiyeen roobkii Puntland ka da’ay 2019.

FB_IMG_16592762166842722.jpg?resize=720%

Daah-furka wadada waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirada Maaliyadda, Hawlaha Guud, Haweenka, Warfaafinta, Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale.

Sidaan oo kale todobaadkii hore, Puntland waaxay daah-furtay 45-biyo mareen oo laga dayactiray inta u dhexaysa Boosaaso iyo Kalabayr iyo 4-buundo oo ku yaalla deegaanka Qayaadsame.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo mar kale daah-furtay wadooyin la dayactiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this