Deeq A. Posted July 31, 2022 Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay dayactir lagu sameeyay qeybo ka mid ah laamiga isku xira Garowe iyo Boosaaso. Wadada Sin-ujiif oo ah halka la daah-furay ayaa la dayactiray 37 biyo mareen iyo 9km oo laami ah, oo ay burburiyeen roobkii Puntland ka da’ay 2019. Daah-furka wadada waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Wasiirada Maaliyadda, Hawlaha Guud, Haweenka, Warfaafinta, Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale. Sidaan oo kale todobaadkii hore, Puntland waaxay daah-furtay 45-biyo mareen oo laga dayactiray inta u dhexaysa Boosaaso iyo Kalabayr iyo 4-buundo oo ku yaalla deegaanka Qayaadsame. PUNTLAND POST The post Puntland oo mar kale daah-furtay wadooyin la dayactiray appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites