Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 17 bishaan ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle.

Al-Shabaab ayaa magaca qofkii  fuliyey qaraxaas ku sheegtay Maxamed Cabdullqaadir Maxamed oo magaciisa afgarashada ahaa (Bukhaari).

Ninka is qarxiyey ayaa wareysiga laga qaaday ka hor inta uusan is qarxin oo hadda lasoo badhigay ku sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo beesha Jareerweyne gaar ahaan lafta Miyaawe. Ninkaan is qarxiyey ayaa sheegay inuu kooxda jabhadda ee Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 4 sano ah.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay inuu kasoo qeyb galay dagaalo badan oo ka dhacay gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Qaraxa uu ninkaan fuliyey ayaa ka dhacay magaalada Jowhar waxaana mas’uuliyiinta ku dhaawacmay kamid ahaa wasiirka haweenka dowlad Gobaleedka Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye kuxigeenka hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise iyo Xildhibaan hore jeego.

The post Al-Shabaab oo soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this