Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho ka dhalatay nin madow ah oo lagu dilay Dalka Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadho ka dhalatay nin madow ah oo lagu dilay Talyaaniga

Caro ayaa ka dhalatay nin soo galooti ah oo Afrikaan ah oo dharaar cad lagu dilay gudaha dalka Talyaaniga.

Muuqaal ay duubeen dad goobta ku sugnaa oo aan xitaa isku dayin inay kala qabtaan ragga, ayaa muujinaya ninka soo galootiga ah ee Nigeria u dhashay oo uu madaxa dhulka ugu hayo nin caddaan ah.

32 jir u dhashay Talyaaniga ayay booliska u qabteen falkaas, waxaana lagu eedeeyay inuu geystay dil iyo dhac.

black.jpg

Muuqaalka oo si weyn ugu baahay Talyaaniga ayaa waxaa ka carooday dad badan oo tilmaamay in dadka meesha joogay looga baahnaa inay naxariis u muujiyaan qofka madow.

Lama sheegin waxa dhaliyay in ninka caddaanka ah uu weerarro ninka madow.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Alika Ogorchukwu, waxaana uu ahaa aabe dhalay laba carruur ah.

Boqolaal kamid ah jaaliyadda Nigeria ee ku nool magaalada Civitanova Marche ayaa dhigay mudaharaad ay uga soo horjeedaan dilka ayna ku dalbanayaan cadaallad.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta Talyaaniga ayaa sidoo kale cambaareeyay dilka.

Enrico Letta ooo hogaamiya xisbiga Democratic-ga ayaa sheegay inuu ka naxay falkaas, iyo damiir la’aanta dadka daawanayay dilka.

Matteo Salvini oo lagu yaqaano afkaartiisa soogalooti diidka ah ayaa isna sheegay in falkaas uu ahaa mid aan la aqbali karin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this