Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaaf ka dhex taagan guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Khilaaf iyo is-faham la’aan ayaa ka dhex taagan guddi uu Baarlamanka Puntland u xil-saaray ururinta natiijadii ka soo baxday la-xisaabtanka xukuumadda.

Khilaafka guddiga ayaa sida la sheegayo bilowday kadib markii ay isku fahmi-waayeen arrin la xiriirta mas’uuliyiin ay doonayeen in shaqa-xumo lagu eedeeyo si Baarlamanku tallaabo uga qaado.

Guddiga waxa ku midaysan xildhibaanno kala maan ah oo aan isku jiho u socon sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo kulamadoodiii u danbeeyay.

Guddiga ayaa shalay dalbaday in la siiyo wakhti dheeriya oo ay ku soo dhammaystiraan shaqada loo igmaday inkastoo aysan mudda cayiman qabsan.

PUNTLAND POST

The post Khilaaf ka dhex taagan guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this