Deeq A. Posted July 31, 2022 Wararka naga soo gaarayo deegaanka Buulaay oo hoostaga gobalka Baay ayaa sheegaya in xubna ka tirsan ururka alshabaab ay deegaanka ku toogteen 7 qof oo rag ah kuwaas oo lagu eedeyay in ay u shaqeynayeen dowladda Soomaaliya. Raggaan lagu toogtay deegaanka Buulaay, waxaana shabaab ay ku eedeyeen in ay u basaasayeen dowladda Soomaaliya. Akhriso magacyada ragga la dilay: 1. Cali Maxamed Madoow. 2. Ceymooy Geedi Aadan. 3.Towfiiq Jinaw Aadan ganey. 4. Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim. 5.Cadow Cabdulahi Dhicsow 6. Colaad Cabdiraxmaan Maxamed khalid 7. Nuur cali yarow. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites