Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimads Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo si wadajir ah uga sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u u fara badan oo qaarkood ku eedeysan dhac iyo ciyaal weero, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay kala saareen, isla-markaana kuwa tuhmanayaal ah ay ku xireen saldhigga degmada Kaaraan.

“Waxaan ku soo qabanay dad fara badan kala shaandheyn dheer, kadib waxaan ka helnay waxyaabo aan tuhunsanahay, saldhigga ayaana la geynayaa” ayuu yiri taliye Goofgooje.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray taliyuhu inay gacanta ku dhigeen inta ay wadeen howlgallada mindiyo iyo hub sharci darro ah

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abishir Kaaraan, wuxuuna uga digay shacabka inay qariyaan dadka dambiilayaasha ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada ammaanka ee xalay howlgallada ka sameeyey degmada Kaaraan oo ay inta badan ka dhacaan falal amni darro ah.

“Reer Kaaraan waxaan uga digayaa in la qariyo qofka dambiilaha ah, ciddii qarisaa waa la mid, waxaan leenahay hay’adihii caawa howlgalay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

The post Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this