Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo dhowaan ku wajahan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda booqdaan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal.

Degmada Eyl waxa ka taagam khilaaf ku salaysan dhismaha maamulka degmada kaas dib u dhac ku keenay in la fariisiyo golaha degaanka shacabku doorteen.

Ujeedka mas’uuliyiinta dowladda ee booqanaya Eyl ayaa lagu sheegay xallinta muranka la xiriira dhismaha maamulka degmadaas.

Madaxweyne Deni oo xalay la kulmay ururrada siyaasadda ayaa ballan-qaaday in mudda 7 cisho gudahood ah lagu xallin doono khilaafka degmada Eyl si loo dhiso maamulka cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo madaxweynaha laftiisu in uu si lama filaan ah ku booqdo magaalada Eyl balse weli ma cadda arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo dhowaan ku wajahan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this