Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Digniinta Ay Booliiska Somaliland U Direen Xisbiyada Mucaaradka Ah?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xisbiyada mucaaraka Somaliland uga digay in ay qabtaan mudaharaad anay ogolaansho u haysan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa axsaabta mucaaradka ah uga digay in ay abaabulaan mudaharaad anay fasax u haysan.

“Bannaanbax aan fasax loo qaadan oo rag iska sameeyo oo dad soo kaxaysto, oo dhalinyarada soo kiciyo, waa sharci daro ta u wayn, waana ta booliisku u abuuranyahay in uu ka hortago, wuu ka hortagayaa wixii sharci daro wada” mid kamid ah saraakiisha hadashay ayaa sida yidhi.

Taliyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay booliiska ka caawiyaan is hortaaga bannaanbaxyada “Dad waynahana waxaanu ku wargalinaynaa in ay nagu gacansiiyaan arrinkaana ogaadaan”.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan, in doorashada madaxtooyadu ay dib uga dhacdo 13 November, kadib markii ay burbureen wadahadaladii ay la layaaheen mucaaradka, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this