Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan ay yeesheen madaxweyne Deni iyo ururrada siyaasadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiinta sare ee ururrada siyaasadda Puntland ayaa Caawa kulan wada-tashi ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa mas’uuliyiinta ururrada siyaasadda kala hadlay, dardar gelinta barnaamijka hannaanka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha Puntland ayaa cudur-daar ka bixiyay gaabiska ku yimid barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod, waxaana uu sheegay in isagu doorashooyinkii Federaalka kaga mashquulay arrintaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay ka go’ an tahay in sannadkan gudihiisa doorashooyinka qof iyo cod laga hirgeliyo degmooyinka harsan ee Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha maamulka degmada Eyl, waxaana uu ballan-qaaday in uu mudda 7 cisho gudahood ah uu ku xallin doono khilaafkaas.

Mas’uuliyadda muranka ka taagan degmada Eyl ayuu dusha u saaray urur siyaasadeedka isagu hoggaamiyo ee KAAH, oo uu tilmaamay in ay dhexdooda is xallin waayeen.

Ururrrada siyaasadda ayaa dhankooda mabda’ ahaan soo dhoweeyay in la dhammaystiro doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland.

Balse, waxay soo jeediyeen in la xalliyo caqabadaha hor taagan hirgelinta doorashooyinkaas oo ay u horrayso dhismaha maxkamadda dastuurig ah, taas oo muhiim u ah xallinta khilaafaadka ka yimaada doorashooyinka xisbiyada badan.

FB_IMG_16592116908880641.jpg?resize=720% FB_IMG_16592116608051718.jpg?resize=720% FB_IMG_16592116686929862.jpg?resize=720% FB_IMG_16592116832756972.jpg?resize=720% FB_IMG_1659212144945.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1659212166417.jpg?resize=720%2C56 FB_IMG_1659212161213.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_16592117038612951.jpg?resize=720% FB_IMG_1659212117134.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Xogta kulan ay yeesheen madaxweyne Deni iyo ururrada siyaasadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this