Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Onine) – Wararka laga helayo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka maamulkaas ay howlgallo culus ka bilaabeen Baydhabo, kadib markii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weeraro ka bilaabeen magaaladaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaciyey inay heleen xog sheegeysa in Baydhabo ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay weeraro ka geystaan magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay bilaabeen baaritaano iyo dabagal ay ku hayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga hortago falal amni darro ah oo ay ka geystaan halkaasi.

Ciidamada howlgallada wada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxayna sidoo kale baaritaano ka wadaan baraha koontarool ee laga soo galo magaalada.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli shalay saaladdii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Baydhabo, kaas oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiil uu dhalay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad 10 kale.

Weerarkaan waxaa sidoo kale ka horreeyey qarax kale oo ka dhacay magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow & dad kale.

Sikastaba, Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad amni tii ugu darneyd, waxaana madaxweyne Lafta Gareen uu kulan isugu yeeray saraakiisha maamulkaasi.

The post Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Baydhabo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this