Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab iyo Itoobiya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta dhexmaray labda dhinac

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscab oo hadda shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in ay dagaalkii maanta ku dileen in ka badan 150 askari oo ka tirsan Ciidanka Liyuu Booliiska DDS.

Af-hayeenka Al-shabaab oo codkiisa laga sii daayay warbaahinta  kooxdaas ayaa sidoo kale sheegay in ay dagaalkii Caato ku qabteen maxaabiis badan.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli Ciidamada Itoobiya shaaciyeen in ay dagaalkii Caato ku dileen Abu- Muscab iyo horjoogayaale kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Ma jiraan warar ka madax-bannaan sheegashooyinka labada dhinac ee uu dhexmaray dagaalkii maanta iyadoo mid kasta uu guul ka sheegtay dagaalkaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab iyo Itoobiya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta dhexmaray labda dhinac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this