Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo sheegtay inay dishay hogaamiyaal sarsare oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah horjoogayaasha aadka loo baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgalo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.

Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay  5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.

Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab. Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency

Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay kooxda u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya.

Saddexda hogaamiye ee la dilay ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin:

1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab.

2-.Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay wali socdaan dagaalada ay kula jiraan dagaalyahanada Al-shabaab ee ku sugan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Alshabaab ayaa saaka weerar ku qaaday fadhiisimo ay ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Atto ee gobolka bakool.

Wararku ayaa waxay tibaaxayeen in ay weerarradaasi ku bilaabmeen madaafiif iyo qaraxyo lala beegsaday halkaas, hase yeeshee warar laga helayo dhanka ciidamada Soomaaliya oo iyaguna ka qayb galay dagaalkaas ayaa sheegaya in khasaare weyn la gaadhsiiyey dagaalyahannada Alshabaab.

Waxa se ururka Alshabaab ay iyaguna dhankooda sheegteen in ay dileen ku dhawaad boqol askari oo ka mid ah ciidamada Liyuu booliska walow aan ilo madax banaan oo lagu kalsoonaan karaa aanay ilaa haatan jirin

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this