Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku dhintay qarax ka dhacay Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa ka soo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday.

Ugu yaraan 11 qof oo kale, oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka geeriyooday, ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarkan.
Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku dhintay qarax ka dhacay Baydhaba appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this