Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Hawlgallada Amni ee ka socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal ku talagal ah oo la doonayo in lagu xaqijiyo xasiloonida magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka oo ka qeybgalay kulanka todobaadka ee warbaahinta dowladda ayaa sheegay in meel wanagsan ay marayaan howlgalada ciidanka ee la dagaalanka muqaadaraadka iyo kan samakaab ee ka socda caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Taliye Xijaar ayaa caddeeyay in labadii bilood ee la soo dhaafay xoogga la saaray degmooyinka ay ku badan yihiin falalka xasilooni darada ah ,sidaa daraadeedna howlgaladii u dambeeyay lagu soo qabtay in ka badan 4-boqol oo ruux .

Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xusay in lagu guuleystay la dagaalanka  muqaaadaraadka,wuxuuna dhinaca kale codsaday in shacabka,gaar ahaan waalidiinta ay ciidanka kala shaqeeyaan amniga caasimadda iyo kan gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa u mahadceliyay guddoomiyaasha iyo taliyaasha ciidanka ee degmooyinka gobolka Banaadir,isagoo uga mahad celiyay kaalintii ay ka qaateen sugidda amniga

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay Hawlgallada Amni ee ka socda Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this