Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo isweydaarsaday hadallo kulul oo khuseeya Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa isweydaarsaday  digniino ku aadan  arrimaha jamhuuriyadda Taiwan, kadib markii ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiraddaasi oo horay ugu dhawaqday gooni isutaag,isagoo intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska bedelin.

Madaxweynaha Shiinaha Mr Xi ayaa u sheegay Mr Biden in uu u hogaansamo mabda’a hal wadan oo shiinaha ah, isaga dhinaca kale tilmaamay in “qofkii dab ku ciyaara uu gubi doono”.

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor hadallo  la isla dhex marayey oo ah in afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso booqasho ay ku tagto Taiwan.

Ms Pelosi ayaa la sheegay in aysan ku dhawaaqin wax safar ah, balse Shiinaha ayaa ka digay cawaaqibka  haddii ay sii waddo booqashadaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Mareykanka oo isweydaarsaday hadallo kulul oo khuseeya Taiwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this