Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo DF ku eedeysay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacag laga leexsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay siyaasadeysay lacag hal Milyan oo dollar ah oo xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in lacagtaas kaliya maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar la soo diray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay wasiirka in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saxiibtinimo ama xilal sare, sida Wasiir.

“Waxay aheyd in deeq kasta oo ka timaada caalamka in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, balse taasi meesha way ka baxday oo dad gaar ah ayaa jeebka ku shubtay,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa xusay in arrintaan uu madaxweynaha Jubbaland u gudbiyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ka filayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo in deeqaha caalamka uga yimaada Soomaaliya loo qeybiyo si siman oo wada-tashi ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xili dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka dowladii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Jubbaland, taasi oo meesha ka saari doonto dowladda cusub.

The post Jubaland oo DF ku eedeysay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacag laga leexsaday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this