Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Xaraf oo Madaxweyne Deni kala hadlay Taraha doorashada 2024

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Axmed Cabdi ( Xaraf), oo laga soo doorto Gobolka Nugaal, ayaa sida wararku sheegayaan wuxu xalay Madaxweyne Deni ula bareeray arrin la xiriirta Taraha doorashada 2024.

Xildhibaan Xaraf ayaa Madaxweyne Deni u sheegay in uu yahay musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 2024, islamarkaana wuxu ka codsaday in uu dhiso.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale u sheegay Madaxweyne Deni in aan laga aqbali doonin wax mudda kororsi ah, sida xaqiijinayaan wararku.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dadweynaha Pumtland rabaan doorasho qof iyo cod ah, laakiin dowladdu ka gaabisay, oo aan xilligaan laga hirgelin karin Puntland.

Balse,  Madaxweynaha oo u jawaabay xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku koobay in dowladda ay ka go’antahay hirgelinta doorashooyinka ku dhisan hannaanka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan Xaraf oo Madaxweyne Deni kala hadlay Taraha doorashada 2024 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this