Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Magacaabis Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magacaabay guddoomiyaha maxkamadda degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, taas oo dhowaan noqotay degmo buuxda, Axmed ayaa Cabdinuur Wali khaliif inuu noqdo guddoomiyaha maxkamadda degmada Dhoobley ee Jubbada hoose.

Magaalada Dhoobley iyo Buurdhuubo oo ka kale tirsan gobollada Jubbada hoose iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowaan golaha wasiirrada Jubbaland waxaa ay u aqoonsadeen degmooyin buuxa, maamulka ayaa wada dadaallo  nidaamka dowliga ah looga hirgeli laa  degmooyinkaan dhowaan kusoo biiray maamulka.

FB_IMG_1658854276686.jpg

Goobbjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this