Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadada Garowe iyo Boosaaso: Dayactir lagu sameeyay 45 biyo mareen iyo 4 buundo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658845621064.jpg?resize=720%2C36

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda Puntland ayaa maanta xariga ka jaray 45-Biyo mareen oo laga dayactiray inta u dhexaysa Boosaaso iyo Kalabayr iyo 4-buundo oo ku yaalla deegaanka Qayaadsame.

Daah-fuurka buundooyinka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Hawalaha Guud, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA, Maamulada Gobolada Bari iyo Karkaar, iyo marti sharaf kale.

45-Biyo mareen oo laga dayactiray inta u dhexaysa Boosaaso iyo Kalabayr ayaa waxaa fuliyey dhismihiisa Mashruuca dhismaha Ceel-daahir Ceerigaabo, halka Shirkada Albaashid ay dib u dayactirtay buundooyinka Qayaadsame oo ka kooban 4 buundo.

Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda u hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Dani ay dayactirka wadooyinka ay ahmiyad weyn siisay kuwaas oo ah isha kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale Wasiir Abgaal ayaa tilmaamay in lacagta lagu bixiyay dhismaha wadooyinkaan ay ka timi ganacsatada oo bixiyay canshuurta taasi oo ay dowladu ku wajahday in lagu dayactiro wadooyinka.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa sheegtay in ay dayactiro wadooyinka ku bixisay lacag dhan $11,000,000 (Kow iyo toban milyan oo doolar).

FB_IMG_1658845597507.jpg?resize=720%2C44 FB_IMG_1658845612553.jpg?resize=720%2C39 FB_IMG_1658845631206.jpg?resize=720%2C41 FB_IMG_1658845634144.jpg?resize=720%2C44 FB_IMG_1658845638642.jpg?resize=720%2C42 FB_IMG_1658845655268.jpg?resize=720%2C44 FB_IMG_1658846388665.jpg?resize=720%2C53 FB_IMG_1658846413507.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658846427046.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658846451169.jpg?resize=720%2C46

PUNTLAND POST

The post Wadada Garowe iyo Boosaaso: Dayactir lagu sameeyay 45 biyo mareen iyo 4 buundo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this