Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo magacaabay La-taliye Arrimaha Siyaasadda u qaabilsan Axmed Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658830438546.jpg?resize=720%2C52

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaadiido) lagu magacaabay La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Madaxweyne ku xigeenka.

5-tii May ee sannadkan 2022 ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu Cabdirisaaq Gaawiido u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Waxaase magacaabiddaas diiday Madaxweyne Siciid Deni oo markaas ku sugnaa magaalada Muqdisho islamarkaana ma dhaqan-gelin.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni oo magacaabay La-taliye Arrimaha Siyaasadda u qaabilsan Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this