Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kualnkii Xasan iyo Al-Siisi? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.  

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah. 

Xasan Sheekh, oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho, ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada. 

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata. 

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doortay inuu Masar kala safto Itoobiya, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.Sisi-Xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 295694173_434369828734162_23921278027433 Sisi-Xasan-Sheekh.jpeg?resize=696%2C464& Xasan-Sheekh-sisi.jpeg?resize=696%2C464& Xasan-Sisi-1.jpeg?resize=696%2C481&ssl=1 Sisi-iyo-Xasa.jpeg?resize=696%2C479&ssl= Sisi-iyo-Xasan.jpeg?resize=696%2C479&ssl 295804122_434369892067489_70628935412840 295613825_434369855400826_19117261626977 295671680_434369878734157_43253451624648 295682329_434369768734168_23064210659050 295499958_434369915400820_11459639662453 295597201_434370045400807_53970707610217 295952852_434383428732802_52866502053738

The post Maxaa kasoo baxay kualnkii Xasan iyo Al-Siisi? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this