Deeq A. Posted July 25, 2022 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray xaaladda suuqa weyn ee Magaalada Garoowe. Kormeerka madaxweynaha Dowladda Puntland uu maanta ku tagey suuqa Waxaa ku wehelinayey Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse, madaxweynaha ayaa si dhab ah ugu kuur’galay xaaladda dhabta ah ee suuqa iyo dadka ku ganacsada oo uu ka waraystay sida ay u saamaysay abaarta jirta iyo sicirbararka xiligaan adduunka ka dhacay. Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqday suuqa iibka xoolaha oo xiligaas ku jiray shaqadii maalinlaha ahayd ee iibinta xoolaha madaxweynaha ayaa ka waraystay dadka iibka xoolaha iyo caqabadaha haysta ganacsatada iyo dadka wax iibsanaya oo xiligaas goobta ku sugnaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray suuqyada Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites