Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray suuqyada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658750312342.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray xaaladda suuqa weyn ee Magaalada Garoowe.

Kormeerka madaxweynaha Dowladda Puntland uu maanta ku tagey suuqa Waxaa ku wehelinayey Duqa Caasimadda Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse, madaxweynaha ayaa si dhab ah ugu kuur’galay xaaladda dhabta ah ee suuqa iyo dadka ku ganacsada oo uu ka waraystay sida ay u saamaysay abaarta jirta iyo sicirbararka xiligaan adduunka ka dhacay.

Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqday suuqa iibka xoolaha oo xiligaas ku jiray shaqadii maalinlaha ahayd ee iibinta xoolaha madaxweynaha ayaa ka waraystay dadka iibka xoolaha iyo caqabadaha haysta ganacsatada iyo dadka wax iibsanaya oo xiligaas goobta ku sugnaa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo kormeeray suuqyada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this