Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka midowga Yurub, Tiina Intelmann.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this