Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dadweynaha Garoowe kala qayb-galay Salaad Roob-doon

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658747232135.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta garoonka Kubadda Cagta Mire Awaare Garoowe kaga qayb-galay Roobdoon Alle SWC lagaga baryaayey Ramaxddiisa (Roob) inuu ku manaysto ummaddiisa.

Abaarta iyo jiilaalka jira oo sababtay xaalad adag oo ay waajaheen dad iyo duunyoba, waxa ay dowladdu juhdigelisey Roobdoon xiriir ah oo Alle SWC lagu waydiisanaayo Raxmaddiisa, waxa uu Madaxweynuhu shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba ku booriyey inay markasta iyo xaalad kasta oo ay ku jiraan Rabbi SWC waydiistaan dembidhaaf iyo Raxmaddiisa, mid wax tarleh oo aan waxyeelo lahayn.

Madaxweynuhu waa uu shacabka ku booriyey inay isgarab-istaagaan wakhiyada adag ee lagu-jiro, waxa uu xusay, in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badan Reerguuraaga iyo dadka danyarta ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha DPL Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu dorkeeda iyo masuuliyaddeeda gudanayso, shacabka iyo cidkasta oo ay khusayso arrintani, iyana doorkooda u qaataan si hagar la’aan ah, si gargaar iyo garab-istaag deg deg ah loola gaaro shacabka abaartu saamayso.

FB_IMG_1658747232135.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658747732659.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658747737564.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658747741532.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658747747973.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1658747752316.jpg?resize=720%2C37

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dadweynaha Garoowe kala qayb-galay Salaad Roob-doon appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this