Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Codsi uga yimid Ra’iisul wasaaraha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658736822241.jpg?resize=720%2C57

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsi uu Ra’isul wasaare Xamse Cabdi Barre uu usoo gudbiyay gudddoonka Golaha.

Codsiga Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa in mudo 10 maalmood loogu daro waqtiga magacaabista Golaha Wasiirada oo ka bilaabaneyso maanta oo 25-ka Luulyo ah kuna eg 4-ta bisha Agoosto.

Codsiga waxaa haa ku ogolaatay 144-xildhibaan, halka hal xildhibaan uu diiday mana jirin wax ka aamusay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo kulanka shir guddoomineysay ayaa natiijada codeynta ku dhowaaqday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo waqtigii loogu talay dhisidda Golaha Wasiirada ka dhamaaday ayaa laga sugayaa in 10 maalmaad kadib soo magacaabo Gole Wasiiro cusub.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyay Codsi uga yimid Ra’iisul wasaaraha dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this