Sign in to follow this  
Deeq A.

Toban Qof Oo Ku Dhintay Roob Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Dalka Yemen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanca)-Roob mahiigaan ah oo Axadda maanta ah ka da’ay caasimadda dalka ayaa sababay daadad iyo guryo dumay iyadoo ay ku dhinteen illaa toban qof oo ay ku jiraan afar carruur ahi, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Afarta carruurta ah ayaa ku dhintay dhismaha dumay halka lixda qof ee kale ay ku dhinteen ka dib markii gaadhigii ay la socdeen uu daad ku qaaday degmo ku dhow caasimadda Sanca, sida ay sheegeen saraakiishu.

Roobka mahiigaanka ah ayaa sannad walba burbur lixaad leh u gaystay dalka Yemen, iyadoo kan u dambeeyay uu socday muddo toddobaad ah.

Isku socodka magaalada oo ay maamusho kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda uu Sacuudigu taageero ayaa gabi ahaanba joogsaday.

Colaadda Yemen oo bilaabatay 2014 una dhaxaysa Xuutiyiinta ay Iran taageerto iyo dowladda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay boqolaal kun oo qof, iyadoo illaa bishii April ay jirto xabad-joojinta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this