Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta xalane oo ay ku dhex taallo safaaradda Mareykanka ku qaabilay wafdi culus oo ay hoggaamineyso madaxa hay’adda USAID, Samantha Power.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre, halka madaxweynaha ay barbar fadhiyeen agaasime ku xigeenka madaxtooyada iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda USAID ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo madaxweynuhu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.

Marwo Samantha Power oo dhankeeda kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadan doonaan gurmad abaaraha, waxayna ballan-qaadday in hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan.

Deeqdaan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo sidoo kale hormarinta adeegyada muhiimka ah.

Soomaaliya ayaa haatan xiriir wanaagsan la leh Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shababa, wuxuuna tababar siiyaa Ciidamada Kumaandooska Danab.

295925229_1955259544659879_3397789034640 294860522_1955259541326546_6734012376494 295414376_1955259557993211_3957747284108 295520812_1955259521326548_6554803882649

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi Mareykan ah kula kulmay XALANE + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this