Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Bankiga dowladda Puntland oo hortagay Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1658648471999.jpg?resize=720%2C37

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 28-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Dawladda Puntland Cabdirisaaq Warsame Seeraar oo ay Weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga iyo Agaasimaha Guud ee Bankiga.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa ka warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe  wax ka weydiiyey arrimaha Bangiga Dhexe ee Dawladda sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64aad, 111aad,  Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobka 62.6 iyo Xeerka lagu dhisay Bangiga dhexe Dawladda Puntland oo soo baxay 2000.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Bankiga dowladda Puntland oo hortagay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this